3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Xaalada deegaanka Tukaraq oo degan iyo labada maamul Soomaaliland iyo Puntland oo ka hadlay

 

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) -Dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada Tukaraq oo 52Km. Bari Laascaanood uga beegan, ayaa deganaan laga soo sheegayaa iyadoo hadana aan laysku halayn Karin maadaama ay labada ciidan isu muuqdaan.

Ciidamada Somaliland ayaa fadhiisin cusub ka samaystay dhinaca bari ee Tukaraq oo toban sano xarun u ahayd maamulka Puntland Gobolka Sool, waxana dadka degaamkaasi noo xaqiijiyeen in ciidanku degan tahay tog ilaa afar KM u jira magaalada Hakka ciidamada Puntlandna aanay ka fogayn.

Labada dhinac waxaa la sheegayaa in ay xoojinayaan ciidamada ka jooga degaankaas, waxaana laga cabsi qabaa in markale ay is haleen saamayna ku yeeshaan Degaanka.

Dagaalkan saaka dhacay ayaan si rasmi ah loo ogayn khasaaraha gaadhey, iyadoo labada dhinacba ay sheegeen in aan khasaare soo gaadhin.

Dhinacyada dagaalku dhexmaray ayaa ka hadlay dagaalka, waxana dhinac kastaa ku eedeeyeen in dhulkoodii lagu haysto.

"Waxaa ay weerareen Madax dhaqameed, Garaad Jaamac Garaad Cali waxaa lagu weeraray Qoriley, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Tukaraq ayeey ku  weerareen" sidaana waxaa BBCda u sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/laahi Faarax, waxaanu raaciyey in Dawlada Federaalka iyo Puntland ay daandaansi wadaan, in degaan Somaliland leesahayna ciidamadoodu tageen ayuu qiray.

Wasiirka amniga Puntland, Axmed Cabdullahi Yuusuf ayaa layaab ku sheegay duulaanka ciidamada Somaliland xili ay mashquul ku ahaayeen Madaxweynaha Soomaaliya, xili ay waraysatay idaacada BBCda.

Lama saadaalin karo halka uu salka dhigi doono walow Somaliland mudo toban sano ah sadex jeer ay u guureen dhinaca Garoowe iyadoo maamulka Puntlandna aanay jawaab ka celin, iyadoo haatan ay kulaalayaan caasimada Puntland oo u jirya 75Km.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool













Click here

1/8/2018 12:59 PM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) -Waxaa Magaalada Baraawe Gaarey Gudiga Doorashooyinka Qaran oo ay Hogaamineysey Gudoomiyaha Gudigaas waxaana Garoonka Diyaaradaha Baraawe ku soo dhaweeyey madaxda degmada Baraawe iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaaladaas .

1/8/2018 10:47 AM EST
Isniin,January 08,2018 HOL)- Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Cabdiraxmaan Guri barwaaqo ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin ku hayso gudaha Somaliland,isla markaana dhaqdhaqaaqyo colaad abuuraysa maalmihii u dambeeyey ka waday xadka Somaliland.

1/8/2018 9:14 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL)–Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya ayaa xal ka gaartay khilaafkii ragaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Hoggaanka Rugta Ganasiga Soomaaliya iyo kan Gobolka Banaadir.

1/8/2018 8:54 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi FArmaajo ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ,kaasi oo bilihii la soo dhaafay ay gacanta ku haysay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

1/8/2018 8:06 AM EST
Hodan Xasan oo ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee in mudo ah daganaa dalkaan Maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa habeenimadii xalay isku soo taagtay Doorashada Kursiga xildhibaanimo ee xaafada 62A oo ka mida xaafadaha ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ay aad u dagan yihiin.

1/8/2018 6:34 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daah furay garoonka diyaaradaha Garoowe oo loogu magac-daray Janaraal Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

1/8/2018 3:35 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) - Dagaalkan ayaa bilaabmay saakay aroortii hore kadib markii ciidamada Somaliland ay Dhababoco ku jiidheen kastamka Puntland oo qiyaasta 48Km. bari kaga quman magaalada Laascaanood.

1/8/2018 1:03 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018(HOL)-Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyada amniga dalka, kahor inta aysan ka bixin dalka.

1/8/2018 12:35 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) – Dalka Sudan waxaa ka dhacaya banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha rootiga oo kordhay taasoo ay dadku aad uga cabanayaan

1/8/2018 12:20 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) -Saraakiil u hadashay dowladda Kenya ayaa sheegtay in Rag ay ay u maleynayan in ay ka tirsan yihiin Xarakada AL-shabaab ay jareen Isgaarsiintii Magaalada Katulo ee Waqooyi Bari Dalka Kenya.

1/8/2018 12:18 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ujeedka halkaasi uu u tagay in ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

1/8/2018 12:10 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarro khasaare dhaliyay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

1/8/2018 12:06 AM EST
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in uu maanta xariga ka jaro Garoonka cusub ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland laga hergaliyay.