4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Somaliland oo Soomaaliya ku eedeysay farogalin ay ku hayso gudaha Somaliland

 

Isniin,Janaayo 08,2018  (HOL)- Wasiirka warfaafinta iyo dhaqanka Cabdiraxmaan Guri barwaaqo ayaa dawladda Soomaaliya ku eedeeyey inay farogalin ku hayso gudaha Somaliland,isla markaana dhaqdhaqaaqyo colaad abuuraysa maalmihii u dambeeyey ka waday xadka Somaliland.

Sidoo kale, waxa uu wasiirku sheegay in aanay mar dambe u dul qaadan doonin farogalintaasi ay Soomaaliya ka waddo dhulka Somaliland.

“Baryahan waxa ay dawladda soomaaliya ku kacday falal xaalad abuur ah gudaha Somaliland tusaale ahaan mgaaalad Qoriley waxay ciidnka Puntland ku weeraray Garaad Jaamac Garaad Cali, waxa kale oo ay magaaladda Tuko-raq ku weerartay Garaad Jaamac Garad Ismaaciil, waxa kale oo wasiirka Qorsheynta Soomaaliya iyo wasiirka Amniga ee Puntland iyagoo ciidan wata tageen magaaladda Badhan iyo magaalada Dhahar, iyagoo halkaasi ka jeediyey khudbado xaalad abuur ah”ayuu yidhi wasiir Guri barwaaqo.

Wasiirku waxa uu sheegay in aanay Somaliland u dul qaadan Karin farogalintaasi ay Soomaaliya ka waddo gudaha Somaliland, waxaaanu yidhi “dawladda Somaliland waxay go’aansatay in aanay u dul qaadan mar dambe xaaladaha caynkaasi ah, waxay ku wargalinaysa dawladaha jaarka ah inay Somaliland tahay dawlad ku caan baxday nabadgalyadda iyo xasilooni ku wada noolaanshaha, Dawlada Soomaaliya waxay ku waaniysa inay ka waantowda farogalinta ay ka wado Somaliland.”.

Sidoo kale, wasiirka warfaafintu kama hadal khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi dhexmaray Somaliland iyo Puntland, haseyeeshee waxa uu ku dooday in ciidamada Somaliland joogaan gudaha Somaliland.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.