4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
GAROWE: Garoonka uu xariga ka jaray Madaxweyne Farmaajo oo loogu magac-daray G. Maxamed Abshir Haamaan


Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe ,kaasi  oo bilihii la soo dhaafay ay gacanta ku haysay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga.

Xaflad-da Furitaanka ee garoonka ayaa waxaa ka soo qayb-galay mas'uuliyiin sar-sare oo ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Somalia , Puntland iyo sido kale qaar kamid ah ajaanibta ka howl-gala gudaha Somalia.

"Nabadda waxay keenta xasillooni siyaasadeed , waan sheegnaa mar walba nabaddu waa furaha horumarka haddeysan nabad ka jiri lahayn Puntland intaas oo airport iyo intaas oo jiddad ah kama aysan jireen. " ayuu yiri madaxweynaha Somalia oo sheegay in lagu soo wareejiyay gudaha Garowe markii uu yimid.

"Horumarka iyo dhismaha hoteelada ,runtii waa wax la idinku ammaano, horumarkaasna waxaan ilaahay ka baryeenna in ay gaarto guud ah dalka Somalia " ayuu mar kale yiri madaxweyne Farmaajo.  

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in dowlad-diisa ay mashaariic badan hirgalisay , isla markaana kuwa kale ay hadda gacanta ku hayaan, isaga oo u mahad-celiyay madaxda ka socotoy dowladda Somalia iyo dalalka dariska ah.

" Airpor-kan madaxweyne wixii ay Puntland qaban kartey waa qabatey waad-na aragteen , Waxaa dhiman dhammeystirkiisii annaga intaasey nooga ektahay , wixii ka dambeeya dhammeystirkeedda idinka ayaa la idin ka sugaya ." ayuu isna yiri madaxweynaha Puntland.

Garoonkan oo dib loo casriyeeyay ayaa loogu magac daray taliyihii ugu horeeyay ee ciidamada booliska Somaliyeed General Maxamed Abshir Muuse ,kaasi oo daba-yaaqadii sanadkii hore ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Sida uu sheegay wasiirka duulista Hawada Somalia Maxamed C/laahi Salaad Omaar waxaa garoonka dhismihiisa ku baxday lacag dhan malaayiin dollar oo qaar kamid ah ay ku deeqday dowladda Kuwayt ,waxaana garoonka uu u shaqayn doonaa sida kuwa caalamiga ah.

Ugu danbayn, garoonkan caalamiga ah ayaa hal mar qaadi kara tobon diyaaradooda oo isugu jira kuwa xamuulka ah iyo kuwa yar-yar ,waxaana dheerarkiisa uu wasiirka duulista ku sheegay in uu yahay 8Km halka ,dhabaha diyaaraduhu  ay ku ordoon-na uu ku sheegay in ay  dhantahay 2.4km. 

Faysal M. Hassan
[email protected]