4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Hodan Xasan oo Daahfurtay Olalaheeda Dooorashada Xildhibaanimo ee Minnesota Xaafada 62A .

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL)–Hodan Xasan oo ka mida Jaaliyadda Soomaaliyeed ee in mudo ah daganaa dalkaan Maraykanka gaar ahaan gobolka Minnesota ayaa habeenimadii xalay isku soo taagtay Doorashada Kursiga xildhibaanimo ee xaafada 62A oo ka mida xaafadaha ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minneapolis ay aad u dagan yihiin.

Xaflad lagu daahfuraayey Doorashada ama tartanka Hodan Hassan ayaa waxaa Hallka Safari soo buux dhaafiyey dadwayne Soomaali & Ajanabi isagu jira oo taageero Xoog badan u muujiyey doorashada Hodan Hassan.

Waxaa Goobta ka hadlay Aqoonyano,Siyaasiin ,Culumodiin, Odayaasha, waxayna Dhamaantood isla qireen in hodan ay u qalanto qabashada xilka ay isku soo taagtay,

Anisa Xaji Muumin Wasiirkii hore ee Haweenka Puntland ayaa goobta kahadashay waxayna aad u xustay dadaaladii Hodan Hassan ay jaaliyadda u soo qabtay iyadoo sheegtay hodan in hore ay umadaan wax ugu shaqaysay si mutacnimo ah aadna ay ugu farxsan tahay xilkaan ay doonayso kuna taageerayso, Aniso waxayna Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota ugu baaqday in ay siiyaan taageero hiil & hooba leh.

Hodan Xasan ayaa ka mida dhalinyarada wax ku baratay dalkaan Maraykanka iyadoo master ku qaatay barashada Caafimaadka guudiyo adeega bulshada, waxayna qoraalo badan ka samaysay arimaha caafimaadka ee Soomaalida Maraykanka ee ku saabsan dhimirka, iyadoo kulamo waawayn oo looga hadlayo ka agaasintay gobolkaan Minnesota,waxayna in badan ka hadli jirtay sidii umadaan ay isku filaasho dhaqaalo iyo horemarineed ay ku heli la haayeen.


Hodan oo aad loo soo agaasimay kulankeedii xalay ayaa ahaa mid heer sareeyey ,waxayna dadwaynahii taageeray isagu jireen madax sare oo xilal ka haya gobolka iyo kuwa ka soo shaqeeyay arimaha doorashooyinka , waxayna khudbadeedii aadka u dheereed kaga hadashay inay diyaar u tahay wax ka qabashada Tacliinta, Guryaha, baahiyaha aasaasiga ee jira, waxay balanqaaday in ay wax ka qaban doonto sidii qof walba u heli lahaa guryo ay awoodaan iyo caymis caafimaad oo la awoodi karo,waxayna sheegtay inaysan dhici doonin in dad Soomaali ah layska Masaafuriyo macno la.aan sidii bay tiri tii ku dhacday 92 qof bishii hore waa wax laga xumaado.

Ugu danbayntii Hodan ayaa dadwaynahii boqollaalka kor u dhaafay ee ka soo qaybgalay Kulankeedii taageerada ka codsatay in ay ku taageeraan Xoog Maal & waqti oo ay sheegtay in doorasho guusheedu ay u baahan tahay.

 

Siyad Said Salah

Hiiraan Online

[email protected]

Minneapolis Mn