4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Dagaal xoogan u dhexeeya Somaliland iyo Puntland oo ka soconaya deegaanka Tukaraq

 

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) - Dagaalkan ayaa bilaabmay saakay aroortii hore kadib markii ciidamada Somaliland ay Dhababoco ku jiidheen kastamka Puntland oo qiyaasta 48Km. bari kaga quman magaalada Laascaanood.

Sida ay HOL u sheegeen dad ku sugan Magaalada Tukaraq ciidamada Somaliland waxa ay dhinaca Bari u dhaafeen iyagoo dagaalo teelteel ah ciidamo Puntland ah oo fadhiisimo ku lahaa degaankaas aysan caabin xoogleh kala kulmin, waxana ay gaadheen sida uu Axmed Xaaji Cali sheegay meel tukarq u jirta 24Km waxaanay ku dhowaadeen buuyidhi Kor-shuxuur buurta layidhaahdo oo u dhow tuulada Falidhyaale,

"Dagaal aanan weligey arag xoogiisa ayaa hada ka soconaya Tukaraq dhinaceeda bari, Bohol-waraabe oo magaalada u muuqata ayaa dagaalku ka soconayaa, Waxaana odhan karaa xoogag aan dhowaan kala faaruqayn ayaa iska horyimi" sidaa waxaa yidhi Axmed Xaaji oo Tukaraq ku sugan, waxaanu intaas ku daray in magaalada dadku ka baxayaan oo ka baqayaan isdhaafka rasaasta labada dhinac inay waxyeelaan.

Dad badan oo degaankaas ku sugan ayaa xaqiijiyey in khasaare gaadiid iyo mid nafeedba labada dhinacba ay ka jiraan, waxaase aan la xaqiijin karin sida ay wax u soo kala gaadheen.

Ilaa hada ma jiraan hadal ka soo baxay labada dhinac ee dagaalku u dhexeeyo, waxaase la sheegayaa in ciidanka Somaliland ay ujeedadoodu tahay sidii ay uga hortegilahaayeen safar madaxweynaha Soomaaliya la sheegay in ku imaan doono degaano ka mid ah gobolka Sool.

Wixii ka soo kordhana wacaal dhawr baan u nahay

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool