AMISOM oo xoojineysa tayada ciidamada dowladda ka hor ka bixitaankeeda Soomaaliya
Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) -Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya
ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada
ammaanka ee Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyada amniga dalka, kahor inta
aysan ka bixin dalka.
Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee
Soomaaliya Simon Mulongo ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in Ciidamada
Soomaaliya lagu dhiso awoodda heerarka caalamiga ah ee la aqbali karo.
“Sannadkan waxa la arkayaa tababar dheeraad ah oo sii xoogeysanaya, hagaajin
dheeraad ah oo la socota, taasina macnaheedu waa qorista, tababarka iyo
tayeynta Ciidamada, kahor inta aanan dalka ka bixin.” Waxaa sidaas yiri
Mulongo.
Ciidamada AMISOM ayaa la rajeynayaa in sanadkan ay ka baxaan sugidda
ammaanka magaalooyinka muhiimka ah, si loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya oo
hada ku jira diyaar garow balaaran.
1,000 Askari ayaa Soomaaliya laga saaray Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay ee
sanadkii 2017, kadib markii Golaha Ammaanka uu ku dhawaaqay in AMISOM wixii
hada ka dambeeya ay Soomaaliya uga baxaan si tartiib, tartiib ah.
Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin 1-dii January 2018 Muqdisho
ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasi oo lagu barayo sida fudud ee
lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices
(IEDs)”
Tababarka ayaa loogu tala galay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada
Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado
muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo, sidoo kalena lagula
dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Shabaab.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]