4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Shacabka reer Sudan oo ka dibadbaxay sicir barar ku yimid qiimaha la kala siisto Rootiga

 

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) – Dalka Sudan waxaa ka dhacaya banaanbaxyo looga soo horjeedo qiimaha rootiga oo kordhay taasoo ay dadku aad uga cabanayaan

Waxaana meesha ka baxay lacago ay dowladda ku kabi jirtay iibka rootiga ka dibna waxaa cirka galay lacagta lakala siisto rootiga

Banaanbaxyadan ayaa ka bilowday goboladda Koonfurta waxayna markii dambe ku sii fideen magaalooyin kale

Caasimadda Khartum booliska ayaa sunta ilmada keentaa ku kala eryey dad wadooyinka xiray taayarana gubayay.

Isku-dhacyo noocaasoo kale ah ayaa ka dhacay magaalooyin ku yaalla koonfurta iyo galbeedka wadanka.

Galbeedka Darfur arday ka mid ahaa mudaaharadayaasha ayaa la dilay kuwo kalena waa la dhaawacay.

Dowladda ayaa diiday in banaanbaxyadan dhacaya ay wax lug ah ku leeyihiin qiimaha rootiga ee kordhay

Sanadkii 2003-dii ayaa waxaa dalkaasi ka dhacay banaanbaxyo xooganaa oo looga soo horjeeday qiimaha shidaalka oo kordhay.

Waxaana waqtigaa ku dhintay ku dhintay dibadbaxyadaasi tiro dad ah oo ka mid ahaa dibadbaxayaasha

BBC