4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Jen Gorod oo ka sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug

 

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo wafdi uu horkacayo oo maalintii shalay gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay ujeedka halkaasi uu u tagay in ay qeyb ka tahay dhameystirka heshiiskii magaalada Gaalkacyo ay ku gaareen Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Taliyaha ayaa sheegay in meel gaba gabo ah uu marayo dhameystirka heshiiskii ay wada gaareen labada maamul, wuxuuna tilmaamay shacabka labada dhinac in ay u bisil yihiin nabad iyo wada noolaansho dhaxalgal ah.

Wafdiga taliyaha uu horkaccayo ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa qeyb ka ah guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Liibaan Cali Yaroow.

Taliyaha ciidamada xoogga xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xusseen Gorod oo 15kii December 2017dii booqday degmada Gaalkacyo ayaa qiimeyn ku sameeyay xaalada ay u sugan yihiin ciidamada xoogga dalka kaa howlgala degmada.

Magaalada Gaalkacyo oo marar badan oo hore ay ku soo noqnoqdeen dagaalo khasaare badan geystay ayaa hadda u muuqata mid nabdoon kaddib markii ay u kaceen mas’uuliyiinta maamullada Puntland iyo Galmudug oo kaashanaya saraakiisha ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]