4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2018
Al-shabaab oo sheegatay in weerar khasaare geystay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose

 

Isniin, Janaayo, 08, 2018 (HOL) – Xarrakada Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarro khasaare dhaliyay ay ka fuliyeen deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ay sheegeen in dagaalyahanno iyaga ka tirsan weerar ku ekeeyeen deegaanka Golweyn ee duleedka degmada Buula Mareer, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Weerarkan ayeey Shabaab sheegeen in ay ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa ciidamada Millitariga Soomaaliya, kadibna ay qaateen laba Qori AK-47 ah, inkastoo aysan jirin ilo madax banana oo xaqiijinaya sida dhabta ah ee halkaasi ay wax uga dhaceen.

Dhinaca kale  kale Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay Qarax ay la beegsadeen ciidamo ku sugnaa Kontaroolka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose in uu sababay dhimashada saddex Askari.

Marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab ee weeraradan khasaaraha geystay,  ma jiro dhinaca kale war ka soo baxay saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka oo ka hadlaya arintan.

Gobolka Shabeellaha Hoose marka la eego waxaa joogta ka noqday dagaallada dhaxmara ciidamada dowladda iyo Al-shabaab iyo qaraxyada lala eegto ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]