3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Ra'iisal Wasaare Kheyre oo ka qeybgallay shir ku saabsan Jawaab ka bixinta Abaaraha

 

Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.

Waxaana ka soo qayb galay Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha, Wasiir ku xigeenka Abaaraha, iyo Wasiir Dawlaha Arimaha Dibadda, qaar kamid ah Hayadaha Qaramada midoobay, madax ka socotay maamul goboleedyada iyo Safiirada dalalka taageera Soomaaliya

Ra’iisul Wasaarah Soomaaliya ayaa ka mahad celiyay wufuuda ka soo qayb gashay shirka oo ka kala yimid meelo fog-fog waxuuna ka sheekeeyay jawaabtii ay ka bixisay xukuumadiisa abaartii Soomaaliya mudadii yarayd ee ay jirtay, isagoona sheegay in markii la magacaabay ay dadaal dheer u galayn sidii ummadda Soomaaliyeed looga badbaadin lahaa abaaraha.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa qeexay doorka qurba joogta Soomaaliyeed ay ku lahaayeen wax ka Qabashada abaarihii ku dhuftay dalka, waxuuna tilmamay in ay iska soo aruuriyeen lacag gaaraysa Shan Milyan oo Dollar. 


''Soomaaliya waxaa u bilaamay baal cusub oo horumarineed,  waxayna diyaarisay qorshayaashii ay ku sugan lahayd Amnigeeda kuna  horumarin lahayd dalka oo dhan. Sidoo kal waxay diyaarisay qaabki looga  hortigi lahaa khatarta abaaraha, Anagoo kaa shanayna hay’adaha caawiya  Soomaaliya.

“Suurtagal noqon mayso in dalkeena uu leeyahay khayraad farabadan shacabkeenuna ay macluul iyo gaajo u dhintaan. Balse waa in aan horumarinaa wax soo saarka dalka si ay u yaraato gaajada iyo macaluusha shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri ra’iisul wasaare Khayre.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay sidii looga gaashaaman lahaa looguna diyaar garoobi lahaa abaaro kale oo Soomaaliya soo wajaha iyo habka ugu haboon ee loo hubin karo in gargaarka la gaarsiiyo dadka loogu talagalay, taas oo ay ugu deeqeen dawladooda iyo hay’adaha caalamka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]














Click here
1/30/2018 12:51 PM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta warqad uu soo saaray si rasmiya ugu joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel Gaabta ee degmada Xamar jajab.

1/30/2018 12:28 PM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen kudhawaad 700 Arday oo iyagu dhameystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee jaamacadda oo ku taala degmada Wardhigleey ee gobalka Banaadir.

1/30/2018 10:48 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka cunadda qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in goboladda qaarkood ay ka jiraan abaar adag oo u baahan in loo gurmado.

1/30/2018 8:41 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u sharaxan tahay xil ka mid ah xilalka Urur goboleedka IGAD.

1/30/2018 8:32 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL)- Rail Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay in uu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

1/30/2018 3:34 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo xalay ka qeybgallay munaasabadii xil wareejinta guddoonka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay xukuumadda hadda jirta in aysan xaqirin waxqabadka xukuumadihii ka horeeyay.

1/30/2018 1:26 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) – Isku duwaha Gurmadka deg degga ah ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa waxa uu Isniintii sheegay Sanduuqa Caalamiga ah ee Wax ka Qabashada Deg degga ah ee QM inuu bixiyay $ 10 Milyan oo Dollar si loo caawiyo dadka ugu nugul Itoobiya.

1/30/2018 1:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 30. 2018 (HOL) –Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Nicolas Tumba ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu kamid yahay wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Mudane Xirji Jaamac Gaani.

1/30/2018 1:12 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in maanta oo tallaado ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimada, taasoo xiisad weyn ka dhax abuurtay gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

1/30/2018 1:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL)- Saraakiisha Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in la qaaday mamnuucistii dadka qaxootiga ah ee ka socda 11 dal oo halistooda badan tahay in ay galaan Mareykanka.

1/30/2018 12:51 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka cusub ee gobolka ayaa xalay si rasmi ah ula wareegay xilka kaddib munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

1/30/2018 12:50 AM EST
Talaado, Janaayo, 30. 2018 (HOL) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) Oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in.....