4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo amray joojinta dhismaha dhul ku yaala degmada Xamar-Jajab


Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisoow) ayaa maanta warqad uu soo saaray si rasmiya ugu joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel Gaabta ee degmada Xamar jajab. 

Guddoomiyaha ayaa hay’adaha ay khusayso ku wargeliyey joojinta hawlaha dhismaha ee socda waxana uu tilmaamay in aan loo dulqaadan karin in hantida qaranka si gaar ah looga faa’iideysto.

Maamulka degmada Xamar jajab ayaa sidoo kale la faray inay gacanta ku hayaan dhulkan uu dhismaha ka socday, waxana hay’adaha ammaanka iyagana lagu wargeliyey in ay ka gutaan waajibaadkooda qaran, si loo ilaaliyo hantida danta guud.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in tallaabadni ka tarjumeyso siyaasadiisa ku aaddan ilaalinta hantida danta guud, lagana daba tegi doono dhammaan dhulkii danta guud ee haatan ku jira gacanta shakhsiyaad ama looga faa’iidaysanayo dano gaar ah.

“Warqad aan ku joojinay dhismaha dhulka Biyaaso Liibaro waxay ka mid tahay siyaasadda aan ku ilaalinayno hantida qaranka, wax dulqaad ahna uma yeelan doono in danta guud looga faa’iideysto dano gaar ah” ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisoow.

“Dhammaan Dhulka danta guud ee ka maqan gacanta dawladda waan ku raadjoogi doonaa waana ka daba-tegaynaa. Waxaa naga go’an inaan la dagaalano musuqmaasuqa iyo wax is daba marinta, waxana ku shaqayn doonaa hanaanka dawladnimada iyo xayndaabkiisa” Ayuu Raaciyey Guddoomiyuhu.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisoow) oo xilka si rasmi ah ula wareegay shalay, ayaa tallaabadan u qaaday si uu u ilaaliyo hantida qaranka, iyadoo muhiimaddu tahay in laga waantoobo in si gaar ah looga faa’iidaysto dhulka danta guud.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]