4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
ku dhawaad 700 oo Ardey ah oo ka qalinjabisay Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada SIMAD


Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen kudhawaad 700 Arday oo iyagu dhameystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee jaamacadda oo ku taala degmada Wardhigleey ee gobalka Banadir.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay maamulka sare ee Jaamacadda SIMAD, macalimiinta Jaamacadda,Waalidiinta ay Carruurtooda qalin jebiyeen,Ardayda qalin jebisay iyo marti sharaf kale.

Dahir Hassan Arab Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD oo munaasabadda khudbad ka jeediyey ayaa tilmaamay in Ardayda maanta qalin jebisay ay tiradoodu gaareysay 690 Arday kuwaasi oo iyagu Afartii sano ee aynu kasoo gudubnay wax ka baranayey kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIMAD.

Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD Mudane Dahir Hassan Arab ayaa kula dardaarmay Ardayda maanta qalin jebisay in waxa ay barteen ay ugu adeegaan dadkooda,dalkooda iyo diintooda islamarkaana ay bulshada kale ee Soomaaliyeed aqoontooda gaarsiiyaan oo aysan ka qeyb qaadan bur burka iyo dib u dhaca dalkooda.

Waxaa sidoo kale munaasabdda kahadlay Dr. Ismail Hassan Hussein oo ah agaasimaha ha’ayda DirectAid xafiiskeeda Nairobi iyo Sheikh Hassan Al-badawi oo ah agaasimaha hey’adda DirectAid xafiiskeeda Somalia ayaa Ardayda qalin-jebineysay ugu hambalyey guusha ay gaareen.

Qaar ka mid ah Ardayda maanta qalin jebisay oo la hadlay Warbaahinta ayaa iyagu tilmaamay in ay aad ugu farax sanyihiin munaasabadda qalin jebinta ah ee loo sameeyey iyo iney maanta gurtaan miraha ay Afartii sano ee lasoo dhaafay usoo dhabar adeygeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]