4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Soomaaliya oo u sharaxan xilka xoghayaha fulinta ee Urur gobolleedka IGAD

 

Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u sharaxan tahay xil ka mid ah xilalka Urur goboleedka IGAD.

Wasiirka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu Madaxda Midowga Afrika kala hadlay sidii  Soomaaliya ay u heli laheyd Xilka Xog-hayaha fulinta Urur goboleed IGAD.

Wasiir Cawad ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal dheer ay ku bixin doonto helidda xilkaasi.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in madaxweynahaa uu dalalka IGAD ka codsaday helidda xilkaas maadaama Soomaaliya ay ku soo laabatay saaxadda siyaasadda Africa.

Madaxweynaha ayaa kula kulmay magaalada Addis Ababa qaar ka mid ah madaxda qaarada Africa kuwaa oo ay ka mid ahaayeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al Bashiir, Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir Mayardit, Madaxweynaha Ugaandha Yuweri Museveni, Madaxweyne ku-Xigeenka Koowaad ee Burundi Gaston Sindimwo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo madax ka socotay Midowga Yurub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]