4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Raila Odinga oo loo dhaariyay madaxweyne

 

Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Rail Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay in uu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

“Anigoo ah Raila Amolo Odinga waxaan dhowaaq dheer ku sheegayaa in aan ahay qofka mas’uulka ka ah xafiisa Madaxweynaha Shacabka Jamhuuriyada Kenya.”ayuu yiri Odinga.

Xaflada dhaarinta oo socotay muddo ka yar toban daqiiqo ayaa waxaa ka maqnaa inta badan madaxda xisbigga mucaaradka sida Kalonzo Musyoka, Musalia Mudavadi iyo Moses Wetang’ula.

Raila Odinga ayaa saddex bilood kahor sheegay in la xaday doorashada dalka Kenya waxaana jirta cabsi ku aadan dhanka ammaanka iyadoo ciidamada Booliskana ay meel sare kala socdaan waxa ka dhacaya magaalada Nairobi.

Hogaamiyaha mucaaradka Odinga ayaa ku andacoonayaa in saddex jeer oo xigxigtay doorashooyinkii dalka ka dhacay lagu shubtay waxana u diiday in uu aqoonsado Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta dib u doorashadiisi dhamaadkii sanadkii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]