4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Guddoomiye Muudeey : Ma'aha in la xaqiro waxqabadka xukuumadiihii hore

 

Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo xalay ka qeybgallay munaasabadii xil wareejinta guddoonka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay xukuumadda hadda jirta in aysan xaqirin waxqabadka xukuumadihii ka horeeyay.

“Saaxiibkey Khayre iyo Wasiiradiisa qaar ka mid ah ayaa waxaan ka dhageysanayay in iyagu uun wax qabteen, Waxaan goobjoog u ahaa 2009 Xildhibaan baahi ugu dhintay Magaaladan markii wax uu cuno waayay qof uu shaxaadana garan waayay.”

“Maantana waad arkeysaan meeshaan quruxda badan ee aad xilka kula kala wareegaysaan, Dad ayaana keenay ee iskama imaanin, Taabid iyo Yariisowna ma keenin ee waa laga horeeyay ee ilaahey halagu xamdiyo meel barwaaqo ah ayaad timaadeene” ayuu yiri Muudey xilli uu khudbad ka jeedinaayay aqalka dowladda Hoose.

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa muddooyinkii u danbeeyay khudbadaha uu jeediyo waxaa astaan u aheyd kalmada ''Markii Ugu horeysay'' taasoo macnaheedu dad badan u arkeen in ay tahay in howlaha socda oo idil yihiin markii ugu horeysay oo dalka laga qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]