3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Qaramada Midoobey oo dhaqaale ugu deeqday Oromada iyo Soomaalida ku barakacay xiisada labada dhinac

 

Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) – Isku duwaha Gurmadka deg degga ah ee Qaramada Midoobay Mark Lowcock ayaa waxa uu Isniintii sheegay Sanduuqa Caalamiga ah ee Wax ka Qabashada deg degga ah ee QM inuu bixiyay $ 10 Milyan oo Dollar si loo caawiyo dadka ugu nugul Itoobiya.

Wuxuu sheegay lacagtan in ay ugu tala galeen dadkii ku barakacay khilaafkii Oromada iyo Soomaalida Itoobiya, iyo sidoo kale dadkii ay waxyeelada ka soo gaartay khilaafkaasi ee ka soo kala jeeda Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida.

“Maanta waxaan booqday laba xero oo ku yaalla goobaha dib-u-dejinta, waxaa inoo soo baxday in aan kor u qaadno taageerada si aan u daboolno baahidooda, Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqeynaa in mar walba ay ka shaqeyso xasiloonida, Ayuu yiri Mr. Lowcock inta lagu guda jiray booqashadiisa.

Kaddib markii ay sii korortay colaadda u dhaxeysay Oromada iyo Soomaalida Itoobiya bilowgii Septembar 2017, boqolaal kun oo qof oo nugul ah ayaa laga saarey guryahooda waxayna hadda ku nool yihiin guryo ku meel gaar ah, iyada oo baahidooda ugu weyna ay tahay in loo sameeyo gargaar bani’aadanimo.

5-tii January Falkii ugu dambeeyey ayaa xilli habeen ah waxaa lagu weeraray Soomaalida ku nool magaalada Nazareth oo qiyaas ahaantii ilaa 100-KM u jirta Caasimada dalkaasi Itoobiya ee Addis ababa, kadib markii boqolaal Soomaali ah lagu weeraray guryaha ay degan yihiin.

Dad badan ayaa guryahooda ka cararay oo ay u baxsadeeen Caasimadda Itoobiya, si ay uga badbaadaan beegsiga Qowmiyadda Oromada ay ku hayaan dadkaasi, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadkii weerarkaasi la kulmay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/30/2018 1:02 PM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dood ku saabsan ka hortaga iyo jawaab ka bixinta Abaaraha soo noq-noqda ee Soomaaliya.

1/30/2018 12:51 PM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta warqad uu soo saaray si rasmiya ugu joojiyey dhismaha ka socda dhulka danta guud ee Biyaaso Liibaro ee ku yaalla aagga Ceel Gaabta ee degmada Xamar jajab.

1/30/2018 12:28 PM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalin jebinayeen kudhawaad 700 Arday oo iyagu dhameystay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda SIMAD ayaa maanta lagu qabtay xarunta dhexe ee jaamacadda oo ku taala degmada Wardhigleey ee gobalka Banaadir.

1/30/2018 10:48 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL)-Gudoomiyaha hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo Kaydka cunadda qaranka Faysal Cali Sheekh ayaa sheegay in goboladda qaarkood ay ka jiraan abaar adag oo u baahan in loo gurmado.

1/30/2018 8:41 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u sharaxan tahay xil ka mid ah xilalka Urur goboleedka IGAD.

1/30/2018 8:32 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL)- Rail Odinga hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya ayaa goor dhow magaalada Nairobi loogu dhaariyay in uu yahay Madaxweynaha Shacabka Kenya.

1/30/2018 3:34 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Muudeey oo xalay ka qeybgallay munaasabadii xil wareejinta guddoonka gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay xukuumadda hadda jirta in aysan xaqirin waxqabadka xukuumadihii ka horeeyay.

1/30/2018 1:16 AM EST
Talaado, Janaayo, 30. 2018 (HOL) –Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Nicolas Tumba ayaa markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay masuuliyiin uu kamid yahay wasiir kuxigeenka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Mudane Xirji Jaamac Gaani.

1/30/2018 1:12 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in maanta oo tallaado ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimada, taasoo xiisad weyn ka dhax abuurtay gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

1/30/2018 1:03 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL)- Saraakiisha Dowladda Mareykanka ayaa sheegay in la qaaday mamnuucistii dadka qaxootiga ah ee ka socda 11 dal oo halistooda badan tahay in ay galaan Mareykanka.

1/30/2018 12:51 AM EST
Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) -Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) iyo mas’uuliyiinta kale ee maamulka cusub ee gobolka ayaa xalay si rasmi ah ula wareegay xilka kaddib munaasabad ka dhacday xarunta dowladda hoose ee Xamar.

1/30/2018 12:50 AM EST
Talaado, Janaayo, 30. 2018 (HOL) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar) Oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in.....