4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Raila Odinga oo sheegay in maanta oo Talaado ah loo dhaarinayo xilka madaxtinimada dalka Kenya

 

Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) – Hogaamiyaha mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay in maanta oo tallaado ah loo dhaarin doono xilka madaxtinimada, taasoo xiisad weyn ka dhax abuurtay gudaha dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi.

Mas’uuliyiinta isbaheysiga mucaaradka ee Kenya ayaa sheegay in xafladda dhaarinta ay maanta ka dhici doonto beerta xorriyadda ee Uhuru Park, halkaa oo la filayo in lagu dhaariyo Raila Odinga iyo ku xigenkiisa Kalonzo Musyoka.

Mucaaradka Kenya ayaa warbixin ay dhawaan soo bandhigeen ku shegeen inay ku guuleysteen doorashadii bishii 8aad ka dhacday Kenya, taasoo maxkamadda ugu sareysa dalka ay waxba kama jiraan ka soo qaaday.

Xeer ilaaliyaha guud ee Kenya, Githu Muigai oo ka hadlay qorshaha ay damacsanyihiin mucaaradka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay tahay qiyaano qaran, ayna horseedi karto dil toogasho.

Booliska Kenya ayaa sidoo kale mamnuucay xafladda dhaarinta Raila Odinga, iyagoo na isku gedaamay fagaaraha Uhuru Park.

Hogaamiyeyaasha Mucaaradka ee Kenya ayaa sidookale sheegay in dowladda Kenya ay ku guuldareysatay inay wax wadahadal ah la furto isbaheysiga mucaaradka.

Mucaaradka Kenya ayaa qaadacay ka qeyb galka doorashadii ku celiska ee bishii Oktoobar ee sannadkii hore ka dhacday Kenya, kadib markii ay shegeen in aysan ku qanancsaneyn qaabka ay wax u wadaan guddiga doorashada ee IEBC.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]