Talaado, Janaayo, 30, 2018 (HOL) - Saraakiisha Dowladda Mareykanka ayaa
sheegay in la qaaday mamnuucistii dadka qaxootiga ah ee ka socda 11 dal oo
halistooda badan tahay in ay galaan Mareykanka.
Xoghayaha amniga gudaha Maraykan Kirstjen Nielsen ayaa
sheegtay in qaxootiga ay mari doonaan baaritaan adag oo la xiriira heerka
halista.
11-ka dal ee wareegtada Madaxweyne Donald Trump ka joojisay in dadkooda ay
galaan Mareykanka ayaa kala ah Masar, Iran, Iraq, Libya, Mali, North Korea,
Somalia, South Sudan, Sudan, Syria iyo Yemen, kuwaas oo hadda la oggolaaday in
ay geli karaan Mareykanka.
Donald Trump oo xayiraadii la saaray dalalkan abaabulkeeda lahaa ayaa horey
u yiri “Madaxweyne ahaan, waa inaan u dhaq dhaqaaqaa ilaalinta amniga iyo
danaha Mareykanka iyo dadkiisa, ilaalinta amniga waa mudnaanta koowaad, si
taasi loo gaaro waa in uu yimaadaa isbedel” ayuu lagu yiri warka ka soo baxay Donald Trump.
Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), Jaaliyadda
Soomaaliyeed ee Mareykanka, iyo ururada bulshada ayaa si aad ah u soo dhaweeyay
go’aankan, waxayna sheegeen Trump inuu ka laabtay qeyb ka mid ah
ajandayaashiisa foosha xun.
Dadka sida aadka ah u falanqeeya ayaa arrintan ku tilmaamay in Aqalka Cad uu
ogaanayay amarka Trump inuu dhaqan geli karo oo loo hogaansami karo iyo inuu
Trump ka lahaa ujeedo ah inuu isbedel la yimaado
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]