4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 30, 2018
Wasiir Oomaar: Waxaan u nimid in aan qiimeyn ku sameeyno ammaanka Madaarka Kismaayo


Talaado, Janaayo, 30. 2018 (HOL) – Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad (Oomaar)  Oo shalay gelinkii danbe soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ay u yimaadeen magaalada sii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen amniga garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyo adeegyada muhiimka ah ee ka maqan garoonka.

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Kismaayo uu kamid yahay garoomada ugu waaweyn ee dalka, isagoo xusay in diyaaradaha ka duula Kismaayo ay hadda sii maraan Wajeer, arrintaa oo uu xusay in la doonayo in laga gudbo lana dhameystiro waxyaalaha ka dhiman ammaanka garoonka, si diyaaraduhu toos uga degaan magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa sheegay in ay safarkiisa ku wehlinayaan madax kale oo ka socota dowladda iyo aquburro, kuwaa oo qiimeyn ku sameyn doona amniga garoonka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka imaatinkiisa ay qeyb ka tahay horumarinta garoonka, gaar ahaan dhinacyada dhismaha iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

“Garoonkan waxa uu ku jiraa sided garoon oo ay dowladdu horumarin doonto, oo aan bilaabi doonno sanadkan gudihiisa,” ayuu wasiirku hadalkiisii raaciyay.

Heshiiskii dhexmaray dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa ahaa in diyaaradaha ka baxa Soomaaliya ay toos uga dagaan Nairobi, waxaan amarkaasi uu ka dhaqangalay magaalada Muqdisho, ayadoo magaalooyinka ay kamid tahay Kismaayo diyaaraha ka baxa ay weli sii maraan degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaa oo lagu hubiyo amnigeeda.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.