4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2018
Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday tirada dadka qaba cudurka Juudaanka ee ku nool gudaha dalka

 

Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaadatay tirada dadka qaba cudurka Juudaanka ee ku dhaqan gudaha dalka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Fowsiyo Abiikar Nuur oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in cudurkan ay qabaan dad gaaraya 1,576 qof, kadib baaritaano ay sameeyeen.

Waxaa ay sheegtay dadka cudurkan qaba 187 qof oo ka mid ah in ay yihiin carruur, 93 ka mid ahna uu cudurkan naafeeyay, waxayna tilmaamtay in cudurkan la yareyn karo haddii dadka ay soo raadsadaan dawooyinka.

Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomalaiya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa sheegtay cudurkan dadka qaba inta badan in laga helay gobolka Banaadir, Labada Shabeelle iyo Gobolka Baay, iyada oo sidoo kale sheegtay in baaritaan dheer ay sameyn doonaan.

Wasaaradda ayaa ugu danbeyntii shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka qaba cudurkan ugu baaqday in goobaha caafimaadka ay tagaan, si loo siiyo dawooyin, oo ay ku bogsoodaan.

Dadka Soomaalida ayaa Cudurkan Juundaanka ka aaminsan figrado kala duwan waxaana qaar ka mid ah bulshad ay aaminsan yihiin in dadka qaba cudurkan cunnaan hilibka dadka, taasoo ay beenisay wasaaradda caafimaadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]