4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedka midowga Africa


Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey Shir-Madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, oo maanta ka furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyey Madaxweynayaasha kasoo qeyb galay shirka, isagoo sidoo kale bogaadiyey hiigsiga Afrika ee sanadka 2063, kaas oo isku xiri doona Afrika, una yeeli doona awood dhaqaale iyo mid horumar.

Madaxweynaha ayaa caddeeyey in sanadka 2018 uu yahay sanadkii ay Afrika ku guulaysan lahayd la dagaallanka musuqmaasuqa, waxa uu tusaale usoo qaatay sida Afrika hodonka u tahay iyo sida dadkeedu saboolka u yihiin, Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay in musuqmaasuqu sabab u yahay in horumar fiican laga sameyn waayo Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u sheegay Madaxda Afrikaanka ah in Dowladda Soomaaliya ay muhiimadda koowaad siinayso la dagaallanka musuqmaasuqa, wuxuu xusay Madaxweynuhu in ay sameeyeen Sharciga La-dagaalanka Musuqmaasuqa, adkeynta Nidaamka Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo qaababka loo raacayo oo ay kamid tahay shaqaalaysiinta Dadweynaha, taas oo u baahan isla xisaabtan iyo in loogu adeego danaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdiisa ay muhiimad gooni ah siinayso soo celinta ammaanka, horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo maamul wanaagga.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbad kale ka jeediyey shirka dib-u-qaabaynta Ajendaha Midowga Afrika, wuxuu caddeeyey Madaxweynuhu in Soomaaliya taageersantahay dib-uqaabayn lagu sameeyo Ajendayaasha Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay taasi caddaynayso ka dhab-ahaanshaha Ururka ee xaqiijinta Hiigsiga 2063, taas oo keenaysa isdhexgalka iyo horumarka Bulshada Afrika.

Abdi Salan Nor Dirie

Mugdishu-Somalia

Hiiraan Online