4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2018
Nuur Iidoow Beyle oo ku soo baxay Kursiga xubinnimada golaha shacabka doorasho ka dhacday Jowhar

 

Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL)–Doorasho siweyn isha looga wada hayay ayaa ugu danbeyntii waxaa xubinnimada golaha shacabka ku guuleystay Nuur Iidoow Beyle doorasho ka dhacday Jowhar.

Wareegii hore ee doorashada ayaa waxaa ku tartamay Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo helay 24 cod, Nuur Iidoow Beyle 23 cod, hal cod waxaa helay Cali Cabdullaahi Cosoble, halka saddex cod kalana ay xumaadeen, taasoo macnaheedu yahay in saddexda musharax kale aysan helin wax codad ah.

Laakiin wareegii labaad Nuur Iidoow Beyle ayaa ku guuleystay codad dhan 27 cod, halka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu helay 24 cod, iyadoo guud ahaan ergada codeysa ay dhamaayeen 51 xubnood.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]