Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) – Alla ha u naxariistee waxa xalay magaaladda Hargeysa ku
geeriyooday Abwaan Axmed Siciid Diiriye Afgudhiye oo ahaa abwaan caan ka ah
geyiga Soomaaliddu degto.
Abwaan
Afgudhiye wuxuu ahaa gabyaa, majaajiliste iyo hal abuur heeso badan sameeyey,
waxaanu koritanka fankiisa soo maray Somaliland iyo Jabuuti, waxaanu heesaha
badan ku sameeyey magaaladda Jabuuti.
Mudooyinkii
u dambeeyey waxa uu ku noola Somaliland, gaar ahaan magaaladda Boorama waxaanu
muddo u jiifay xanuunka Faalluga oo dhinaca Bidix ka haleelay.
Inkastoo
mudooyinkii u dambeeyey ku xanuunsayey magaaladda Boorama, haseyeeshee arrimo
caafimaad oo loo keenay Hargeysa ayuu xalay ku geeriyooday.
Abwan
Axmed Siciid Diiriye Af gudhiye waxa uu heesihii u badan u dhiibay fanaaniinta
reer Jabuuti, waxaana ka mid ahaa heesihiisa caanka ah heesta caanka baxday ee
loo yaqaan waa Rag ee ay wada qaadaan fanaan Xasan Waddo iyo fanaanadda reer
Jabuuti ee Mako waxaana midheedda ka mid ah “ waxa Cadar la iskugu shubaa waa
rag, waxa raanta loo feedhaya waa rag.” Waxaanay inantuna ugu jawaabaysa “ waxa
dunida hoogaasi ku riday waa Rag, waxa rogaya ee reeraha burburinayaa waa rag,
waxa raranka nala doonaya waa rag..,
Sidoo
kale, waxa ka mid ah heesihiisii u dambeeyey oo waliba wakhti uu xanuunsanayey
ka soo maaxay maskaxdiisa hees uu u dhiibay fanaanka caanka ah ee Maxamed
Siciid Bk, Waxaana heestaasi la yidhaahda “ jacayl Tallo yari ku beermay
taariikh xumadda iga raacday sooyaalka ha igu taalloo, Tallaabo aan degdeg u
qaaday, sidaan ugu turanturooday tusaale ha igu filnaatoo”.
Dhinaca
qosolka iyo weedho qaab xigmadaysan uu u sameeyeyna waxa ka mid ah “Duni madhan
oo nabad ka madhan, dad madhan dadnimo ka madhan, qurux madhan dhalan ka
madhan, xeer madhan fulin ka madhan, Garsoor madhan cadaalad ka madhan, Rag
madhan masuuliyad ka madhan, Dumar madhan xishood ka madhan, Macalin madhan
cilmi ka madhan, Arday madhan Barasho ka madhan, Caruur madhan asluubka madhan,
Hurdo madhan raaxo ka madhan, Dawlad madhan awood ka madhan, Mucaarad madhan
ujeedo ka madhan, Muxaafad madhan wadaniyad ka madhan, Janan madhan awood ka
madhan, Askari madhan tobabar ka madhan, Qori madhan rasaas ka madhan, Hadal
madhan run ka madhan, Maskax madhan caqli ka madhan, Salaad madhan cushuuq ka
madhan, Qalbi madhan iimaan ka madhan, Madhnaantaasi ruuxay u muuqatee isagu aanu
madhnayn muxuu yeelaya.”
Alla
ha u naxariistee Abwaan Afgudhiye wuxu lahaa suugaan aad u faro badan oo inta
badan ku dhisan aqoon iyo cilmo, waxaanay ahayd suugaan raadaysa
qalbiyada iyo maskaxda dadka, waxaanay suugaantiisu ahayd mid xigmad badan ku
fadhida oo la miisaan ah suugaanyahanadii hore ee foolaadka Soomaalidda.
Sidoo
kale Suugaantiisu waxay iskugu jireen jacayl, wadaniyad iyo waanooyin ama
tusaalooyin dhacdooyin la soo maray, taas oo wax badan laga faa’iidaysanayey
xigmadaha ku jira.
Waxaana
tacsi u direyna ehelkiisa iyo qoyskiisa iyo dhamaan ummada Soomaaliyeed ee uu
ka baxay, waxaana ilaahay u baryeynaa inuu janaddii fardawsa ka waraabiyo.
Barkhad-ladiif
M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa,
Somaliland.