4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2018
Is rasaasayn dhexmartay ciidamada Somaliland iyo Puntland

 

Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) – Weerar waabirigii saakay ka dhacay deegaan ku  dhow Tukaraq oo fadhiisin u ahaa ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay soo qaadeen ciidamo taabacsan Puntland horeyna u ahaan jirey Khaatumo.

Labada dhinac ma sheegan wax khadaare ah oo soo gaadhey waxaase dad degaankaas ku dhow  ay sheegeen in dagaalkani uu socdey dhawr saacadood la'isuna adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan oo aan ahayn mid weyn ayaa hadana waxaa laga cabsi qabaa in ay horseedo dagaal lagu hoobto oo ay labada dhinac iskaga horyimaadaan.

Si kastaba ha ahaatee waa duulaankii ugu horeeyey ee labada dhinac dhexmara, waxaana markale walaac soo foodsaaray dadka degaankaas oo maalmihii u danbeeyey xasilooni dareemayey inkasta oo kororka hub iyo ciidanka uu socdo.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool