Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo
kusugan magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya ayaa la kulmay Xoghayaha Guud
Qaramada Midoobey Antonio gutters,iyagoo kawada hadlay arrimaha Soomaaliya.
Antonio Gutters Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa
amaanay guulaha Dowladda Soomaaliya ay ka gaartay isbedelada dhinacyada amniga
iyo maamulka,isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in la gaaro hiigsiga geedi
socodka 2020 ee doorashada ka dhicii doonta dalka.
Wuxuu sidoo kale balanqaaday in Qaramada Midoobey ay sii kordhin doonto
taageeradeeda Soomaaliya,si dowladda Soomaaliya ay u hirgeliso adeegyada ay uga
baahanyihiin bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi
Farmaajo ayaa uga mahadceliyay kuna amaanay Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa
taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale la filayaa in uu la kulmo madax
kaladuwan oo ku sugan madasha shirka magaalada Addis-Ababab ee caasimadda dalka
Itoobiya,halkaasi oo uu ka socoda shir madaxeedka hoggaamiyaasha Midowga
Afrika.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]