Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL)
- Shirka dhalinyarada qurbajoogta Soomaaliyeed ( Somali Diaspora Youth
Conference) ayaa lagu qabtay magaalada Alexandria ee gobolka Virginia.
Shirkan oo ah mid la qabto
sanadwalba waxaa sanadkii tobaad ka soo qeybgalay dhalinyaro qurba joog ah oo
ka kala yimid gobolada dalkan Mareykanka iyo Canada.
Waxaa soo abaabulay Hay'ada
Adar Foundation oo ah Hay'ad u dhaq dhaqaaqda arimaha Bulshada.
Sanadkan waxaa looga hadlayay
arimaha Xagjirka, Muslin nacaybka, Cudurada dhimirka, Xuquuul insaanka iyo kuwa
kale oo badan.
Arinta xagjirka ayaa ahayd
arin soo jiidasho lahayd iyada oo Soomaalida dalkan ku nool lagu tilmaamo in ay
u nugulyihiin arimaha xagjirka maadama ay yihiin Dad Madoow, Muslim ah, isla
markaana dhawaan soo galay dalkan.
Muhiimada ayaa lagu sheega in
arinta xagjirnimada looga gudbi karo in la sameeyo isdhexgal bulsho, Aqoonta
dhalinyarada oo kor loo qaado iyo in la sameeyo dadaalo ku aadan horumarinta
jaaliyadaha.
Shirkan oo hab doodo kala
duwan lagu soo bandhigayay ayaa dhalinyaradu waxay isku dhaafsanayeen
arahdooda, iyada oo doodaha qayb ay ka ahayeen aqoonyahano iyo waxgaradkale oo
gundhig u ahaa shirkan.
Aqoonayahanka shirkan sidaweyn
uga dhex muuqday waxaa ka mid ah Abukar Arman, Fowzia Abdikadir, Horsed Nuh,
Alia Ibrahim, Fatima Ali Nur, Warsan Mohamed Yusuf iyo aqoonyahano kale oo
dhalinyaro u badan gabi ahaantoodna soo bandhigay Mowduucyo dhaxalgal u ahaa
dadkii ka soo qeybgalay.
Waxaa la soo hadal qaaday
dhibaatada dhalinyarada xabsiyada Mareykanka iyo Canada ku jira iyo sidii xal
loogu heli lahaa loona kobcin lahaa aqoontooda isla markaan aloogu samayn lahaa
wacyi galin.
Shirka dhalinyarada
qurbajoogta Soomaaliyeed ee (Somali Diaspora Youth Conference) waxaa
waxyabaha looga hadlayay ka mid ahaa sida lagama maarmaanka ay u tahay in
dhalinyaradu dib ugu laabtaan dalkooda iyaga oo ka helaya qibrad waaya aragnimo
iyo in ay dareemaan in ay leyihiin dal la saan qaadi kara dunida inteeda kale
iyo in aqoontooda iyo waaya aragnimadooda ay la wadaagaan dadkooda.
Shirkan ayaa waxa lagu
tilmaamaa in uu ka midyahay shirarka waxgalka u leh dhalinyarada Soomaaliyeed
ee qurbajoogta ah kuwaas oo sanadkiiba mar isku arka shirkan isla markaana is
dhaafsada aarah, waaya aragnimo, aqoon, iyo sheekooyin xiiso leh iyada oo qaar
dalka Soomaaliya ka soo laabtay ay dhiirogalin u sameeyaan kuwa wali aan dalkii
tagin.
Deeqo Shire (SONNA)
[email protected]