Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) – Maxkamadda dastuuriga
ee dalka Spain ayaa u sheegtay hoggaamiyaha gooni-goosadka ee gobolka Catalan
Carles Puigdemont, in loo dhaarin karo oo keliya xilka madaxweynaha gobolkaasi
haddii uu kasoo laabto safarka baxsadka ee uu dalka uga maqan yahay.
Kaddib kulamo dhowr ah oo ka dhacay magaalada Madrid, ayaa maxkamaddu waxa
ay xukuntay in Puigdemont ay qasab tahay inuu shaqsi ahaan kasoo hor muuqdo
baarlamaanka Catalan, rasmi ahaana aan loo magacaabi Karin xilka madaxweyne
inta uu ku sugan yahay dalka Belgium.
Hoggaamiyaha gooni-goosadka Carles Puigdemont ayaa wajahaya eedeymo ah
qiyaano qaran iyo fallaaganimo uu ku abuurayo dhaqdhaqaaq madax banaan, waxaana
uu wajihi doona xarig haddii uuu kusoo laabto waddanka Spain.
Carles Puigdemont, ayaana xiligaan la joogana ah musharaxa keliya ee xilka
madaxtinimo ee gobalka Catalan.
Xaflada dhaarinta xilka madaxweyne ee Catalan ayaa lagu wadaa inay dhacdo
maalinta salaasada ee fooda inagu soo heyso.
BBC