4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2018
Doorashada mid ka mid ah Kuraasta ka bannaan golaha shacabka oo maanta lagu qabanayo Jowhar

 

Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) – Magaalada Jowhar ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada Kursi ka mid ah kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Kur-sigan ay dhaceyso doorashadiisa ayaa horay waxaa ugu kuu guuleystay Taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, laakiin waayay kaddib markii loo magacaabay taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

Qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashadda ayaa ka socota Magaalada Jowhar , iyadoona ay xusid mudan tahay in kursiggaan ay ku tartamaayaan xubno si weyn looga yaqaano Soomaaliya.

Lixda Musharax ee kursiga ku loolamaya ayaa iska diiwaan geliyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaran, kuwaasoo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa, sida lacagaha laga rabo musharaxiinta ee shanta kun oo dollar ($5,000).

Musharixiinta waxaa ka mid ah Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo mar kale u tartamaya Kursiga kaddib markii laga qaaday xilka taliyaha hay’adda Nabad-sugid, madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble, xildhibaan hore Nuur Iidoow Beyle iyo ilaa saddex musharax kale oo tartanka kula jir oo ka mid ah haweeney tahay.

Doorashada oo noqoneysa mid xiiso badan ayaa siweyn isha loogu wada hayaa ugu danbeyntii musharaxa ka soo baxa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]