4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 28, 2018
Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo xalay qof rayid ah ku dilay magaalada Beledweyne

 

Axad, Janaayo, 28, 2018 (HOL) – Askari ka tirsan ciidamada dowladda ayaa fiidnimadii xalay ku dilay magaaalada Beledweyne Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Xassan Cabdulle.

Askariga dilka geystay ayaa markii dambe waxaa gacanta ku dhigay ciidamada booliska, kuwaasoo xabsiga u taxaabay.

Wararku waxaa ay sheegayaan in askariga toogtay iyo ciidamo kale oo la socday ka shakiyeen Ninkan dhalinyarada ah, oo ku sugnaa goob aan ka fogeyn Barkoontarool oo ay ciidamadu ku lahaayeen xaafadda Buundo Weyn.

Wiilkan toogashada lagu dilay ayaa ka mid ahaa ardeyda waxbaratay Jaamacada Plasma University faraca magaalada Beledweyne. 

Maamulka gobolka wali kama aysan hadal dilka wiil dhalinyarada ah loogu geystay magaalada inkastoo la sheegay in Askarigii falkaa ka danbeeyay gacanta lagu dhigay.

Hiiraan Online