4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Baarlamaanka Jubland oo mooshin ka keenay Xukuumadda

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)- In ka badan 20 xildhibaan ayaa maanta  u gudbiyeen  Gudoonka Baarlamaanka Jubaland mooshin kalsooni kala naqosho Golaha xukuumadda Jubaland, iyada oo uu Gudoonku Aqbalay..

Barlamaanka Jubaland ayaa ku jiray labadii bilood ee la soo dhaafay, islaxisaabtan ku aadan waxqabadka xukuumadda.  Baarlamaanka ayaa u yeeray dhamaan Wasiirada jubaland  kana dhagaystay waxqabadkoodii.


Dhagaysi dheer iyo Su'aalo badan ka dib, xubno ka tirsan Baarlamaanka Jubaland ayaa gaaray arigti ah in ay xukuumaddu ku fashilantay waxqabadkii waajibka ku ahaa.

 

"Waxaa moshinkaan sababay isla xisaabtan dheer oo ay sameeyeen baarlamaanka ayaa waxaa noo soo baxday in xukuumadda ay ku guul dareysatay howlihii loo idmay. Ujeedeyna mooshinkaan ma aha  mid wax lagu dumino ee waa mooshin wax lagu saxayo" Ayuu  yiri Xildhibaan Maxamuud Maxamed Cabdulle (Dantee Garad) oo u waramiyey Hiiraan Online isaga oo ku sugan magaalada Kismayo

 

Madaxwenaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka dalbaday Xildhibaanada kulan deg deg oo looga hadlayo isfahan iyo heshiisiin laguna qabtay guriga martida. Kulankaas ayaa lagu guul dareystay, waxaana la filayaa labada maalmood ee soo socta in mooshinka lagaga doodidoono golaha Baarlamaanka Jubaland.


Dastuurka baarlamaanka Jubland ayaa qaba in 20 Xildhibaan soo jeedin karto mooshinka. 25 xildhibaan ogolaan karto in laga doodo. 50 Xildhibaana codkoodana ay awood u leeyhiin in ay ku ridaan xukuumadda.

Ilaa iyo hadda waxaa saxiixay 40 xildhibaan moshinka ka dhan ka ah xukuumadda madaxweyne Axmed Maxamed Islaam