4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Guddoomiyaha xisbiga Wadajir iyo xoghayaha xisbiga oo ka hadlay xariggii lagula kacay

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) – Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo xog-hayaha guud ee Xisbiga oo ayaa dib u xoriyadoodii u halay kaddib markii ay duhurnimadii maanta ciidamada dowladda ka qabteen Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Muqdisho ayeey ku sheegeen in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen ku soo weerarreen hotelka Maka Al Mukarama, iyaga oo intaa ku daray in lagu xiray guri ay degenaayeen ciidamada NISA oo ku yaala degmada Waabari.

‘’Markii Hotelka nalaga kaxeeyay waxaa nala geeyay Guri ay degenaayeen ciidamada NISA ee degmada Waabari, waxaana nalaga qaaday telleefoonnada’’ ayeey ku sheegeen shirkooda Jaraa’id.

Dhinaca kale War ka soo baxay Xisbiga ayaa lagu sheegay in xariga labada mas’uul xadgudub ku aheyd xoriyada muwaadinka iyo xuquuqda uu qofku leeyahay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya 17kii bishii December ee sanadkii dhamaaday 2017da gurigiisa xili habeennimo ka soo qabtay Siyaasiga Cabdiraxman Cabdishakuur oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Xisbiga Wadajir, inkastoo markii danbe maxkamada gobolka Banaadir sii deysay.

Dowladda Soomaaliya wali war kama aysan soo saarin xarigga guddoomiyaha iyo xoghayahay Xisbiga Wadajir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]