4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Qaraxyo dad badan ku dilay magaalada Kabul ee dalka Afghanistan

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) – Qarax baabur ayaa maanta oo Sabti ah gilgilay banaanka dhisme ay dawlada Afghanistan ay leedahay oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Kabul.

93 qof ayaa dhintay, in kabadan 160-kalena way ku dhaawacmeen qaraxaasi oo loo adeegsaday baabuur "Ambulance" oo walxaha laga buuxiyay.

Mas'uuliyiinta yaa sheegay in qofka ismiidaamiyey uu walxaha qaraxa ka soo buuxiyey gaadhi kuwa gargaarka ah ee loo yaqaano Ambulance-ka si uu weerarka uga fuliyo goob ay si weyn ugu xoonsanaayeen dadweyne badan.

kooxda Taliban ayaa isla markiiba sheegatay masuuliyada weerarka, waxaana uu sheegay afhayeen u hadlay kooxdu in bartilmaameedku uu ahaa xubno ka mid ah ciidamada ammaanka ee Afghanistan oo goobta isugu imid.

Weerarka ayaa imanaya todobaad kadib markii la weeraray dhismaha huteelka Intercontinental hotel ee magaalada Kabul oo ah goob si xoogan ammaankeeda loo ilaaliyo, weearakaas oo lagu dilay ugu yaraan 22 qof oo ay ku jiraan 14 qof oo ajaanib ah oo ugu yaraan 4 ka mid ah ay ahaayeen Maraykan.

VOA