4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Ciidamada dowladda oo xiray siyaasiyiin uu ka mid yahay Kamaal Daahir Guutaale

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw xabsiga dhigay Siyaasiga Kamaal Daahir Gutaale guddoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xog-hayaha Guud ee Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Siyaasiyiintan ayaa laga xiray hotelka Maka Al-mukarama oo ay ku sugnaayeen, waxaana watay ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugida.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishuur ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in ciidan ka tirsan NISA ay xabsiga dhigeen Kamaal Gutaale iyo Sayid Cali Macalin Cabdulle.

Ilaa iyo hadda lama oga sababaha loo xiray mas'uuliyiintan, hase ahaatee waxaa lala xiriirinayaa inay daba socoto xarigii Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo 17-kii December ee sanadkii hore, markii ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka ay ku weerareen gurigiisa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]