4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Taliska ciidamada Asluubta oo ka hadlay wiil dhalinyaro ah oo ku dhax-dhintay xabsiga

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) - Taliye ku-xigeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa Faahfaahin ka bixiyay wiil dhalinyaro ah oo xabsiga dhexe ee Xamar ku geeriyooday kasoo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in wiilkaasi uu geeriyooday ka dib markii ay is dagaalleen wiil ka mid ahaa Maxaabiista ku xiran xabsiga.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Xasan oo sida la sheegay u xirnaa kiis Al-shabaab-nimo.

Wiilka dhintay oo la soo xiray sanadkii 2014-kii ayaa ku eedeysnaa inuu ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, waxaana lagu riday xukun sanado ah oo uu xabsiga ku qaatay, walina u dhinaa.

Maydka Marxuumka ayaa wuxuu yaallaa xarunta Xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana lagu wadaa maanta oo Sabti ah in la aaso.

Ninkaan ayaa waxaa laga soo qabtay Degmada Hawlwadaag, sanadkii 2014-kii waxaana maxkamadda ay ku xukuntay xukun sanado ah, kadib markii loo soo jeediyay eeda ah in uu Shabaab ahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]