4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Madaxweyne Farmaajo oo galinka danbe ee maanta u anbabaxaya magaalada Addis Ababa

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta u soc daalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika oo dhamaadka bishan ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu sidoo kale ka qeyb geli doono shir gaar ah oo ay leeyihiin Madaxda Urur Goboleedka IGAD oo looga hadlayo arrimaha Koofurta Sudan.

Ka qeyb galekiisa shir madaxeedka Midowga Africa ayaa ah kii u horeeyay, tan iyo markii uu la wareegay xukunka sanadkii hore.

Socdaalka Madaxweynaha ee Addis Ababa ayaa ah kii saddexaad, tan iyo markii sanadkii hore uu ku guuleystay xilka Madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]