3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Hay'adda Socdaalka ee QM oo xafiis ka furatay Soomaaliya

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) – Hay'adda Socdaalka ee QM ayaa sheegtay Jimcihii in ay xafiis ka furatay Dollow ee gobolka Gedo ee Soomaaliya iyada oo ka jawaabeysa barakac ballaaran oo ay sababeen abaaro iyo amni daro.

Hay'adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM) ayaa sheegtay in ay kor u qaaday barnaamijkeeda wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee gobolka, hirgelinta hawlaha xasilinta bulshada ee guud ahaan gobolka Gedo, oo ay ka mid yihiin dayactirka dugsiyada iyo xafiisyada degmada.

Kevin Merkelz, oo ah Sarkaalka Hawlgallada IOM ee Dollow, ayaa sheegay in shaqada IOM ee Dollow aysan suurtagal ahayn iyada oo aan loo marin taageerada joogtada ah iyo niyadsamida maamulka degaanka.

"Dhismaha xafiiskani waxaa uu muujinayaa balanqaadkayaga in aan u adeegno bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey ee Doolka ee 2018 iyo wixii ka dambeeya," ayuu Merkelz ku yiri hadal uu soo saaray Muqdisho.

Laga soo bilaabo May 2017, IOM's Matrix Tracking Matrix ayaa lagu qiyaasay in ka badan 40,000 qof ay ku noolyihiin 58 goobood oo xero barakacayaal ah kuwaas oo marti-gelinaya dadka cusub ee barakacayaasha, tiradan, sida laga soo xigtay IOM, waxay kor u kacday 75,684 bishii Sebtembar 2017.

"Kooxda IOM ee CCCM waxay si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Deegaanka ee Degmada si loo hagaajiyo xaaladaha nololeed ee barokacayaasha iyada oo loo marayo ballaarinta goobta iyo qorsheynta, iyo sidoo kale isku daba-ridka hay'adaha aan dowliga ahayn iyo hay'adaha kale ee Qaramada Midoobay,"

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
1/27/2018 2:56 PM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)- In ka badan 20 xildhibaan ayaa maanta u gudbiyeen Gudoonka Baarlamaanka Jubaland mooshin kalsooni kala naqosho Golaha xukuumadda Jubaland, iyada oo uu Gudoonku Aqbalay..

1/27/2018 11:25 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale iyo xog-hayaha guud ee Xisbiga oo ayaa dib u xoriyadoodii u halay kaddib markii ay duhurnimadii maanta ciidamada dowladda ka qabteen Hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

1/27/2018 9:38 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)–Qarax baabur ayaa maanta oo Sabti ah gilgilay banaanka dhisme ay dawlada Afghanistan ay leedahay oo ku yaala caasimada dalkaasi ee Kabul.

1/27/2018 7:50 AM EST
Sabti,Janaayo, 27, 2018 (HOL)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw xabsiga dhigay Siyaasiga Kamaal Daahir Gutaale guddoomiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Sayid Cali Macalin Cabdulle.

1/27/2018 7:12 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)-Taliye ku-xigeenka ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ayaa Faahfaahin ka bixiyay wiil dhalinyaro ah oo xabsiga dhexe ee Xamar ku geeriyooday kasoo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga.

1/27/2018 4:27 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gelinka dambe ee maanta u soc daalaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

1/27/2018 1:58 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)–Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaaban doona degaanada maamulka Jubbaland.

1/27/2018 1:28 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)–Sida lagu qoray wakaallada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu Agency Dowlada Soomaaliya ayaa u muujisay dowlada Turkiga taageero howlgalada ay ciiidamadeedu ay ka wadaan gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.

1/27/2018 1:19 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)–Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sii daaysay rag taajiriin ah oo horay loo xiray kaddib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas’uuliyiinta waddankaasi.

1/27/2018 1:11 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL)–Wiil dhalinyaro oo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa la sheegay in uu ku dhax-geeriyooday gudaha xabsiga sida ay warbaahinta u sheegeen Eheladiisa.

1/27/2018 12:59 AM EST
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.