4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Maamulka Jubbbaland oo qaadaya howlgal ka dhan ah Al-shabaab

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) – Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilaaban doona degaanada maamulka Jubbaland.

Wasiirka Amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa dowladda lagu amray in ay qaadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in Al-Shabaab loogu taggo saldhigyadooda.

iidamada Ammaanka ayuu ugu baaqay in ay ilaaliyaan dadka Shacabka ah xilliyadda ay ku jiraan howlgallada.

Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-Shaabab ka dib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab ee degaanada maamulka Jubbaland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]