Dowladda Soomaaliya oo taageertay howlgalka ciidamada Turkiga ay ka wadaan gudaha Siiriya
Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) – Sida
lagu qoray wakaallada wararka u faafisa Turkiga ee Anadolu Agency Dowlada
Soomaaliya ayaa u muujisay dowlada Turkiga taageero howlgalada ay ciiidamadeedu
ay ka wadaan gudaha dalka Siiriya gaar ahaan gobolka Afrin.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Dowlada Soomaliya Axmed Ciise Cawad ayaa u sheegay
wakaalada wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga in dowlada Soomaaliya ay
taageersan tahay xukuumada Turkiga.
“Waxaan taageersanahay howlgalada Milatari ee ay ciidamada Turkiga ka wadaan
Afrin,”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya Cawad xilli uu ku sugnaa
dalka Ethiopia.
Ciidamada Turkiga ayaa Sabtidii la soo dhaafay waxa ay bilaabeen howlgalo
loogaga saarayo deegaanka Afrin ee Waqooyi Bari Siiriya ururada PYD/PKK iyo
Daacish.
“Turkigu waxa ay xaq u leeyihiin inay is difaacaan,waxaan la hadlay Wasiirka
Arrimaha Dibbada Turkiga Mevlut Cavusoglu una cadeeyay taageerada Soomaaliya ay
u hayso howlgalada”ayuu sii raaciyay wasiirka arrimaha dibbada Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa sheegay in ixtiraam weyn ay u
hayaan shacabka Soomaaliyeed xukuumada iyo shacabka Turkiga maadaama ay
ahaayeen kuwii ugu horeeyay oo taageero siiya shacabka iyo dowlada
Soomaaliyeed.
Sida laga soo xigtey taliyaha ciidamada Turkiga howlgalka la magac baxay
Laantii Seytuunka ayuu ku micneeyay in uu yahay mid lagu dhisayo goob xasiloon
oo ammaan ah xadka labada dal ee Siiriya iyo Turkiga taasoo sidoo kale loogaga
ilaalinayo shacabka Siiriya cadaadiska iyo xaasidnimada argagaxisada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]