4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Dowladda Sacuudiga oo Xabsiga ka sii deysay qaar ka mid ah rag tujaar ah oo horay loo xiray

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) – Dowladda Sucuudi Carabiya ayaa sii daaysay rag taajiriin ah oo horay loo xiray kaddib markii ay isfagarad dhaqaale la gaareen mas’uuliyiinta waddankaasi.

Raggan ayaa lagu soo qabtay howlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa lana bilaabay Nofeembartii la soo dhaafay.

Waxa ay ka mid ah ahaayeen in ka badan 200 oo Amiir, bilyaneerro iyo saraakiil lagu hayay hoteelka Ritz Carlton ee magaalada Riyaad, kaas oo lagu wado in dib loo furo 14-ka bisha Febraayo.

Sacuudiyiinta ayaa dhammaadka howlgalkan waxa ay rajaynayaan inay ku xoojiyaan dhaqaalaha dalka ugu yaraan 100 bilyan oo doolar.

Dadkan awoodda badan ee la soo daayay ayaa waxaa ka mid ah Waalid Al-Ibraahim oo ah milkiilaha taleefishinka Carbeed ee MBC ee ah midkii ugu horreeyay ee si gaar ah loo leeyahay.

Lama shaacin faafaahin dheeraad ah oo ku saabsan heshiiska kama dambeystii ay mas’uuliyiinta waddankaasi raggaasi ku sii daayeen.

Dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan ayaa waday howlgal nadiifin ah oo ka dhan ah musuq maasuqa waxaana la rumaysan yahay in dano shakhsiyadeed uu ka lahaa wadaxaajoodyada ka socday hoteelka Ritz Carlton.

Waxaa ka mid ah Khaalid Al-Tuwaijiri, kaas oo mar madax ka ahaa maxkamadda boqortooyada xilligii Boqor Cabdallah.

BBC