4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Maxbuus ku dhintay gudaha xabsiga dhexe ee Muqdisho

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) – Wiil dhalinyaro oo ka mid ahaa maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa la sheegay in uu ku dhax-geeriyooday gudaha xabsiga sida ay warbaahinta u sheegeen Eheladiisa.

Wiil ay walaalo yihiin ayaa sheegay in Xassan Maxamuud Xassan oo ah marxuumka dhintay ciidamada Amaanka u soo xireen markii hore in uu ka tirsanaa xarrakada Al-shabaab.

‘’Waxaa naloo sheegay in Nin kale oo dhalinyaro ah oo ay wada cayaarayeen kubad ay dagaalameen, sidaa daraadeed lagu soo xiray konteernar halkasoo uu ku geeriyooday’’ ayuu yiri wiilka la dhashay marxuumka dhintay.

Waxaa uu ka dalbaday dowladda Soomaaliya in cadaallada la horkeeno cidii ka danbeysay in Konteenerka lagu soo xiro walaalkii oo sida uu sheegay sabab u ahaa dhimashadiisa.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha xabsiga dhexe oo la xiriira dhimashada maxbuuska.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]