4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2018
Kheyre : “Waa Lama huraan in Soomaaliya ay ku soo noqoto Saaxadda Caalamka”

 

Sabti, Janaayo, 27, 2018 (HOL) - Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa caalamka ka codsaday in la dar-dargaliyo sidii Soomaaliya looga dhaafi lahaa daynta si ay ugu suurto gasho hirgelinta isbedelka ay wado, isagoo tilmaamay inay lama huraan tahay in Soomaaliya ku soo laabto saaxadda caalamka.

Isagoo ka hadlayay kulan ka qabsoomay Fagaaraha Dhaqaalaha Caalamka (WEF2018) ee magaalada Davos si gaar ahna diiradda loogu saaray arrimaha Soomaaliya.

“Dowladda Soomaaliyeed way ka go’antahay in ay fuliso ballamaha ay u qaaday ummada Soomaaliyeed. laakiin waxaan ognahay in hirgelinta mashaariicda dib-u- habeynta iyo qorshaheega horumarineed oo ay ka mid tahay dhisidda amniga, mashaariicda kaabayaasha, dhismaha hay’adaha dawliga ah iyo dib u soo noolaynta dhaqaalaha ay u baahanyihiin hanti . ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

“Soomaaliya kaligeed ma fulin karto arrimahaas iyada oo dhaqaalaheedu xadidan yahay culayska daynta ay dhaxashayna uu gaarsiisan yahay ilaa lix bilyan oo doolar,”

Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa sidoo kale sheegay in dar-dargalinta dayn dhaafka iyo la xiriirka hay’adaha maaliyadda caalmiga ay muhiim u tahay horumarka waddanka.”

“Xukuumaddaydu waxay ku howlantahay la shaqaynta hay’adahaas waxayna ku dadaaleysaa sidii ay u fulin lahayd shuruudaha loo qoondeeyay si ay u joogtayso xiriirka una wanaajiso maaraynta maamulka maaliyada,” ayuu yiri, isagoo timaamay in uu ku kalsoon yahay in lagu guulaysan doono fulinta arrintaasi.

Ganacsatada Soomaaliyee ayuu ku aamaanay doorkii ay ka qaateen badbaadinta dalka isaga oo yiri: “In kasta oo ay dhib badan soo mareen, haddana shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed waxay si joogta ah u bixinayeen adeegyo muhiim ah ee ku saabsan badbaadinta iyo soo noolaynta ummadda, isagoona tilmaamay in xawaaladuhu ay yihiin illaha maalgashiga ee muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay isbaheysi wax-ku- ool ah in ay samaystaan dawladda iyo shirkadaha ganacsiga leh.

Wuxu tilmaamay warbixinta Bangiga Aduunku ku qeexay in wax soo saarka Soomaaliyeed uu koray boqolkiiba shan sannadkii 2015 iyo boqolkiiba lix sannadkii 2016, wuxuu ku nuux-nuuxsaday baahida degdega ah ee loo qabo sahaminta qaybaha kale ee dihin ee khayraadka dalka.

Biyaha Soomaaliya waxay ka mid yihiin meelaha ugu qanisan ee kalluumeysiga qaaradda Afrika iyada oo haddana khayraadka baddeena dhererkeedu yahay 3,330 km aan sidii la rabay looga kalluumaysan .

Waxa kale ee uu sheegay Mudane Khayre in khayraadka kale ee wax soo saarka ay ka mid yihiin 8.5 milyan oo hektar ee dhul beereed ah iyo in ka badan 50 milyan oo xoolo ah marka lagu daro macdanta aan wali la taaban.

Mudane Khayre ayaa tilmamaay haddii si sax ah loo isticmaalo dhammaan khayraadka dalkeena, waxaa Soomaaliya u suurto geli doonta in aysan ka wel-welin helitaanka cuntada, abuurista shaqooyinka, kordhinta dakhliga dawladda, iyo in ay gacan ka geysato ganacsiga caalamiga ah.

Waxa kale ee uu sheegay in ay samayeen bartilmaameed lagu yareynayo saboolnimada iyada oo la adeegsanayo hirgelinta marin-raacyo lagama maarmaan ah, qaab-sharciyeedo iyo jawi maalgashi oo cusub.

“Soomaaliya, waxay diyaar u tahay inay dib u bilaabato kaalinteedii taariikhiga ahayd ee ahaa in ay noqoto albaabka ganacsiga Afrika, iyada oo adeegsanaysa xeebteeda badweynta Hindiya iyo badda Cas,” ayuu yiri Khayre.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya oo shacabkeedu u badan yahay dhallinyaro, ay si xoog leh uga faa’iidaysan karto fursadaha jira, fulin kartana siyaasadaha loo baahan yahay, isbedel dhaqaalana ku guulaysan karto.

“Adeegyada ay bixin karto waxa ka mid ah waxbarashada, shaqo abuurka iyo kor u qaadista maciishada, taas oo aad u yarayn karta in dhallinyarada lagu duufsado been abuurka ay ku adeegsadaan kooxaha xag jirka ahi,”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]