4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Madaxweynaha Kenya oo Aamino Maxamed u magacaabay Wasiirka Waxbarashada

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay xubnaha golihiisa Wasiirrada cusub, iyadoo Aamino Maxamed Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada.

Xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ayaa loo magacaabay Haweeneyda lagu magacaabo Dr Monicah Juma, oo horay u soo noqotay Safiirka Kenya u fadhin jiray Jabuuti iyo Itoobiya.

Uhuru Kenyatta oo sanadkii hore dib loo doortay ayaa si tartiib u wada magacaabista xilalka Wasiirada, waxaana uu dib u soo celiyay xubno ka mid ah Wasiiradii hore.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]