4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Markabkii ugu horeeyay ee AMISOM u raran oo ku xirtay dekedda Baraawe

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) - Markab Saanad Milateri u siday AMISOM ayaa markii u horeysay ku xirtay Dekeda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xilliga uu Markabka ku soo xiranayay Dekeda Baraawe ayaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan Najax iyo Saraakiil ka tirsan AMISOM.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Najax ayaa sheegay in markabkan uu saanad iyo sahay u siddo Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Baraawe

“Waxaa Dekadda Baraawe Ku soo Xirtay Markab Sida Saadka Ciidanka Xooga Dalka Soomaliyed iyo AMISOM, waxaana Suura Geliyay Nabada Iyo Hormarka Ka Jira Magaalada Baraawe”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhowaan dayactir ku sameyn doonaan garoonka diyaaradaha Baraawe, si uu uga qeyb qaadato baahiyaha ka jira Baraawe.

 Ciidamada AMISOM ee ku sugan Baraawe ayaa go’doon ku jira, waxaana sahayda iyo saanada Milateri ee looga qaadi jiray magaalada Muqdisho ay ku gaareysay Baraawe maalmo, iyadoo wadada loo galayay gaadiidka saanada iyo sahayda u siday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]