4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay degmada Balcad

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa goor dhaw oo maanta ah qarax lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan ayaa xiliga Qaraxa lala beegsaday waxaa ay marayeen inta u dhaxeysa Tuulada Isgoys iyo Haansheekh, waxaana ay ka ababaxeen sida la sheegay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeday Magaalada Jowhar.

Dab Deegaanka oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu dhacay markii ay inta badan gudbeen Gawaarida Ciidamada AMISOM.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi miino eel ala Eegtay Ciidamada AMISOM.

Waddada xiriira Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr mar ay dagaalmayaasha Al-Shabaab ka geysteen weeraro ,waxaana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay dejiso ciidamo amniga xaqiijiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]