3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay degmada Balcad

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa goor dhaw oo maanta ah qarax lagula eegtay duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadan ayaa xiliga Qaraxa lala beegsaday waxaa ay marayeen inta u dhaxeysa Tuulada Isgoys iyo Haansheekh, waxaana ay ka ababaxeen sida la sheegay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeday Magaalada Jowhar.

Dab Deegaanka oo la hadlay Idaacadda kulmiye ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa uu dhacay markii ay inta badan gudbeen Gawaarida Ciidamada AMISOM.

Lama oga ilaa hada khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi miino eel ala Eegtay Ciidamada AMISOM.

Waddada xiriira Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa dhowr mar ay dagaalmayaasha Al-Shabaab ka geysteen weeraro ,waxaana taasi ay sababtay in dowladda Soomaaliya ay dejiso ciidamo amniga xaqiijiya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]

 













Click here
1/26/2018 1:33 PM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL)-Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay xubnaha golihiisa Wasiirrada cusub, iyadoo Aamino Maxamed Wasiirkii hore ee arrimaha dibeda loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Waxbarashada.

1/26/2018 11:40 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) - Dad badan ayaa u tahriiba Yaman iyaga oo donaya in ay dalalka kale ee gacanga uga sii talaabaan.

1/26/2018 9:39 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) - Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Saqaalaha Hay’adda UNICEF lagu dilay xarun ay Hay’addu ku leedahay degmadaasi.

1/26/2018 9:35 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) - Markab Saanad Milateri u siday AMISOM ayaa markii u horeysay ku xirtay Dekeda Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

1/26/2018 4:10 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Wasiiro arrimo dibadeedka Midowga Afrika ayaa sheegay in marnaba Africa iska dhiga-tiri doonin hadalada ka soo yeeray Donald Trump kuwaas oo amaakaak ku noqday dadka ku dhaqan qaarrada, gaar ahaan erayadii adkaa ee uu adeegsaday.

1/26/2018 3:01 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Gen. Ismaaciil Saxardiid, taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo dhawaan gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa uu booqday taliska ciidanka xoogga dalka guutada 10-aad oo hoostagta taliska guud ee qeybta 43-aad.

1/26/2018 1:10 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL)–Dabkan ayaa ka kacay isbitaalkan oo ah mid inta badan lagu daryeelo dadka da’da ah. Waxaana loo maleynayaa in uu dabku ka bilowday qolka la dhigo dadka ku jira xaaladaha degdega ah .

1/26/2018 1:04 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL)–Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau

1/26/2018 12:57 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL)– Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay shalay gelinkii dambe xukun gacan goyn ah ugu fuliyeen laba nin oo ay ku eedeeyeen in ay ku kaceen fal xatooyo ah.

1/26/2018 12:49 AM EST
Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Dhiggiisa Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu.