4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Midowga Africa oo cambaareeyay hadallada Donald Trump

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Wasiiro arrimo dibadeedka Midowga Africa ayaa sheegay in marnaba Africa iska dhiga-tiri doonin hadalada ka soo yeeray Donald Trump kuwaas oo amaakaak ku noqday dadka ku dhaqan qaarrada, gaar ahaan erayadii adkaa ee uu adeegsaday.

Wasiirro arrimo dibadeedka midowga Africa in aysan ka amaamusi doonin go’aankiisa ku saabsan Quddus iyo hoos u dhigidda miisaaniyadda nabadda Adduunka.

Warbaahinta ayaa Trump dhowr maalmood ka hor ka soo warisay in dalal sida Haiti iyo El Salvador, iyo sidoo kale dalalka Africa uu ku tilmaamay in ay yihiin qudhun.

Madaxda Qaarada Africa ayaa siweyn ugu jahwareeray erayo u muuqday bahdil oo Donald Trump uu u adeegsaday qaarrada isaga oo adeegsaday Eray uu ku tilmaamay qaarada Africa meel ‘’Qurun ah’’

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]