4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Ciidamo ka mid noqon doona xoogga dalka oo laga diiwaan-gelin doono degmooyinka gobolka Gedo


Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Gen. Ismaaciil Saxardiid, taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo dhawaan gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo ayaa waxa uu booqday taliska ciidanka xoogga dalka guutada 10-aad oo hoostagta taliska guud ee qeybta 43-aad.

Taliyaha ayaa kormeeray dhufeeysada ciidamada ay ku leeyihiin saldhigga oo ku yaal duleedka magaalada, isagoo sidoo kale kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta ay daganyihiin ciidanka.

Taliyaha oo khudbad ka hor jeediyay ciidanka ayaa sheegay in gobolka Gedo uu u yimid qorsheyaal ay wado dowladda dhexe oo la doonayo in lagu abaabulo ciidanka xoogga dalka ee ku sugan gobollada Jubada Hoose iyo Gedo.

Gen. Saxardiid ayaa sheegay in ay doonayaan in ay xareeyaan ciidamo cusub oo kamid noqon doona xoogga dalka, kuwaa oo uu sheegay in ay xoojin doonaan ciidamada mudada dheer howlgallada ka waday degmooyinka gobolkaasi.

“Waxaan rajeeynaynaa urur kale ayaa hadda nalaga ogolaaday oo guutadan ka tirsanaan doona oo raashiinkiisa yaal Ceelwaaq, waxaan rabnaa in ciidankaasi aan xareeyno, oo aan tababarro u furno,” ayuu yiri taliyaha oo la hadlayay saraakiisha  iyo ciidamada guutada 10-aad.

Taliyaha ayaa dhinaca kale sheegay, in carruur ay dhaleen ciidamada ku dhintay howlgallada ay u heleen qorshe lagu caawinayo, isagoo xusay in ay diiwaangelin doonaan dhammaan ciidamadii ku dhintay howlgallada qoysaskii ay ka tageen si loo caawiyo.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorsheyaal ay ku abaabuleeyso ciidamada xoogga dalka ee ku kala sugan degmooyinka gobollada dalka, ayadoo ay xusid mudantahay in saraakiil ka socotay taliska xoogga dalka ay abaabul ka bilaabeen qaar ka mid ah gobollada dalka oo ay kamid yihiin gobollada Jubbaland.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.