4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Dab qabsaday isbitaal ku yaala dalka Koonfur Kuuriya

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Dabkan ayaa ka kacay isbitaalkan oo ah mid inta badan lagu daryeelo dadka da’da ah, waxaana loo maleynayaa in uu dabku ka bilowday qolka la dhigo dadka ku jira xaaladaha degdega ah .

Ku dhawaad 70 qof ayaa sidoo kale dabkaan ku dhaawacmay, 11 ka mid ah, waxaana laga cabsi qabaa in ay dhimasho jirto.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qiyaastii 200 oo qof oo bukaan ah ay ku sugnaayeen gudaha dhismaha iyo xarunta ku dhaw ee kalkaaliyayaasha, dad badan ayaa laga soo daadgureeyay halkaasi.

Madaxa dabka Kuuriyada Koonfureed Choi Man-woo ayaa u sheegay werriyayaasha in waxa sababay dabkan aanan la ogeyn illaa iyo haatan.

Mr Choi waxa uu intaasi ku daray in dadbku ka kacay labada dhisme qiyaastii toddobadii iyo barkii xiliga Kuuriyada Koonfureed, oo ku beeganeyd saq dhexe xalay.

Sawirada laga soo qaaday isbtiaalka ayaa muujiyay in dhismaha uu qariyay qiica dabka oo xoogganaa uuna aad u gubtay, balse bukaanada laga soo badbaadiyay.

Sida laga soo xigtay afhayeenka madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Cheong Wa Dae, madaxweyne Moon Jae-in ayaa haatan qabanaya kulan degdeg ah oo looga hadlayo sida loola tacaali karo dabkan.

Isbitaalkaan uu dabku qabsaday ayaa shaqeynayay tan iyo 2008, dhismaha kalkaaliyayaasha iyo isbitaalka ayaana leh ku dhawaad 200 oo sariir.

Illaa 35 shaqaale caafimaad ah ayaana ka howlgala isbitaalka, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka uu ku yaallo isbitaalka ee koonfurta Gyeongsang.

Dabka ka kacay isbitaalka ayaa imaanaya kaddib bil uun markii 29 qof oo ku sugnaa magaalada koonfureed ee Jecheon ay ku dhinteen dab ka kacay goob jiimka lagu ciyaaro.

BBC