4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo la kulmay dhiggiisa dalka Canada Justin Trudeau

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka qeyb galaya shirka Dhaqaalaha Adduunka ee ka socda Davos ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau

Labada mas’uul ayaa isku arkay munaasabad casho aheyd oo loo sameeyay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka dhaqaalaha Adduunka, waxaana ay yeesheen kulan istaag ahaa.

Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ku yeeshay in kulanka ay uga wada hadleen ra’iisal wasaaraha Canada adkeynta, dardar gelinta iyo xiriirka fiican ee labada dal u dhaxeeya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa inta uu socday shirka Dhaqaalaha Adduunka la kulmay Madax ka qeyb galeysa shirka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]