4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 26, 2018
Xarrakada Al-shabaab oo labo Nin ku fulisay xukun gacan goyn ah Shabeellaha Hoose

 

Jimco, Janaayo, 26, 2018 (HOL) – Al-shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Kuunya-barrow ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxay shalay gelinkii dambe xukun gacan goyn ah ugu fuliyeen laba nin oo ay ku eedeeyeen in ay ku kaceen fal xatooyo ah.

Goobta xukunkan uu ka dhacayay oo aheyd meel fagaare ah ayaa waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah oo u badan Haween iyo Carruur, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.

Maxkamad Al-shabaab ay ku leeyihiin degmada Kuunya-barrow ayaa la hor geeyay labadan Nin oo lagu eedeeyay in ay jabsadeen dukaan ku yaalla degaanka Ambareeso oo ku aadan albaabka laga galo degmada Baraawe ayna ka qaateen 17 Milyan, Lix Boqol iyo Todobaatan iyo Saddex Kun oo shillinka Soomaaliga ah.

Ragga xukunka lagu fuliyay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Maxamed Xassan oo 54 sano jir ah iyo Xassan Maxamad Yuusuf oo 45 sano jir ah.

Maxkamadaha Shabaab ayaa badanaa xukunada ay qaadaan waxa ay yihiin kuwa hal dhinac ah, maadaama dadka dambiyada ay ku soo eedeeyaan aanan laga hayn qiraal cad oo ku aadan falka lagu soo eedeeyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]